Sports

Xaqiiqooyina Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Premier League Ee Maanta La Ciyaaray. – Kooxda.com


Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka premier League 2021/2022 iyada oo maanta la soo afjaray xilli ciyaareed xiiso badan lahaa.

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa.

Dhanka kale kooxaha Burnley, Norwich iyo Watford ayaa si Rasmi ah uga hadhay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii maanta ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka.

1.Harry Kane ayaa dhaliyay sagaal gool maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka Premier League, waana gooldhaliyihii ugu badnaa taariikhda tartanka isaga oo ay wehliyaan Andrew Cole iyo Les Ferdinand.

2.Chelsea ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee taariikhda Premier Leaque-ga soo martay xili ciyaareed dhan iyada oo aan gool looga horayn qaybta hore ee ciyaarta.

3.Michail Antonio waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 10 gool u dhaliya seddex xilli ciyaareed oo xidhiidh ah West Ham tan ilaa Tony Cottee.

4.Xiddiga Wilfried Zaha ayaa ah xiddiga u soo ciyaaray Man United hadana goolasha ugu badan ka dhaliyay premier League waxana uu ka dhaliyay 3 gool.

5.Man City ayaa gool looga hor maray qaybta hore ee ciyaarta markii 2-aad oo xidhiidh ah tan ilaa November 2019.

6.Arsenal ayaa gool laga dhaliyay mid kasta oo ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League waana rikoodhkoodii ugu dheeraa ee ayna shaqaba ilaashan.

7.Arsenal ayaa ah kooxdii labaad ee saddex gool ka dhaliya koorno hal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan kadib Liverpool vs Crystal Palace.

8.Man City ayaa guul gaadhay kulan premier League ah oo laba gool looga hor maray markii ugu horaysay tan ilaa February 2005.

9.Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League markii 6-aad iyaga oo 4 ka mid ah ku guulaystay 5-tii sano ee ugu dambeeyay.

10.Manchester United ayaa laga badiyay lix kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo bishii March 1981kii.

11.Xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-Min ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qaarada Aasiyad ee ku guulaysta kabta dahabka ah ee gool dhalinta premier League.

12.Mohamed Salah ayaa ku guulaystay gool dhalinta premier League 3 ka mid ah 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kaliya Thierry Henry oo ku guulaystay 4 ayaa ka badan taariikhada tartanka.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.