Sports

Tottenham Oo Dhulka Ku Jiiday 10 Xiddig Oo Arsenal Ah & Tartanka Kaalinta 4-aad Oo Waji Kale Yeeshay. – Kooxda.com


Kooxda Tottenham ayaa garaacday Arsenal kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Tottenham ka fiicnayd kooxda Arsenal kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa qaybtii hore si weyn ugu dhibaatootay iyaga oo aan muujin rabitaan ay ku doonayaan in ay ku badiyaan kulanka iyaga oo u muuqday kuwo ka cabsanaya Tottenham.

Dhanka kale Tottenham ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Arsenal ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn isla markaas maamulaya ciyaarta.

Daqiiqadii 22-aad ayay Tottenham heshay rikoodhe kadib markii Cedric khalad ku galay Son, waxana gool u badalay rikoodhada xiddiga Hary Kane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Tottenham ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarka xilli ay Arsenal u muuqatay kuwa goolka dhaliyay iyaga oo aan wax weeraro ah ku qaadayn Tottenham.

Arsenal ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib markii daqiiqadii 33-aad kaadhka cas loo taagay xiddiga Rob Holdign kaas oo khalad ku galay xiddiga Son waxana ay Arsenal noqotay 10 xiddig.

Dhibaatada Arsenal ayaan halkaas ku joogsan waxana laga dhaliyay 4 daqiiqo kadib casaanka waxana u dhaliyay xiddiga Harry Kane kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Tottenham ahayd kooxda fiican dhinac walba oo ciyaarta ah xilli ayna Arsenal u muuqan kuwo doonaya in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Tottenham si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan waliba u quus gooyaan kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 47-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-Min kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay Tottenham ayaa is dajisay waxana ay U ciyaarayeen qaab dagan maadama ayna Arsenal ku soo laaban karin ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay Tottenham oo garaacday Arsenal isla markaas dib u furtay tartanka kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.