Sports

Sababta Uu Xavi Xiddiga Bernardo Silva Uga Doorbidayo Frenkie de Jong Oo La Ogaaday. – Kooxda.com


Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu aad u doonayo in uu xiddiga Bernardo Silva ku haysto kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal iyaga oo doonaya in ay ku badalaan Frenkie de Jong.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Xavi ayaa doorbidaya xiddiga Man City ee Bernanrdo Silva marka loo bar-bar dhigo Frenkie de Jong sabab la xidhiidha in uu xiddiga reer Portugal ku soo baxayo qaab ciyaareedkiisa

Waxa ay Silva iyo Man City haatanba isla meel dhigeen in uu xiddigu isaga tago kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Frenkie de Jong si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo badalkiisa Bernardo Silva.

Xiddiga Silva ayaa ku lug lahaa 20 gool 50 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Man City xilli ciyaareedkii dhamaaday.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.