Sports

Real Madrid Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Man City – Kooxda.com


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe kooxda Man City ee Ilkay Gundogan sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga 31 Jirka ee Man City ayuu shaki ku jiraa sabab la xidhiidha in heshiiskiisa kooxda Man City dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ayna kooxda Man City qorshaynayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga lagana yaabo in la iibiyo xagaaga.

Saxafiga Erkem Konur ayaa sheegaya in ay Real Madrid xiiso dhab ah u qabto xiddiga khadka dhexe iyada oo Carlo Ancelotti doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Gundogan ayaa dhaliyay 6 gool halka uu caawiye ka noqday 3 kale 26 kulan oo uu ciyaaray premier League xilli ciyaareedkan.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.