Sports

Mane, Lewandowski, Pogba, Osimhen, Salah, Saka, de Jong & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – Kooxda.com


Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu wadahadalo Rasmi ah la bilowday Kooxda Bayern Munich oo ay ka doonayso Robert Lewandowski (Goal).

Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Paul Pogba laakiin Juventus ayaa ku kalsoon in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga (Mail).

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab 76 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen (Calciomercato).

Kooxda Real Madrid ayaa awoodeeda isugu gayn doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni kadib markii ay wayday Mbappe (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa heshiis cusub u soo bandhigi doonta xiddiga Sadio Mane iyaga oo doonaya in ay sii haystaan xiddiga (Football Insider).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa la soo saxiixan doona xiddig weerarka ka ciyaara suuqa xagaaga (Guardian).

William Saliba ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Marseille iskana diiday in uu ku soo laabto Arsenal (Guardian).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee amaahda ku qaatay Southampton ee Armando Broja (Goal).

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa diiday in uu meesha ka saaro bixitaanka Frenkie de Jong kaas oo lala xidhiidhinayo Man United (Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameedsan doonta Mohamed Salah kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa Kylian Mbappe (Mirror).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Bukayo Saka hadii ay Arsenal ku fashilanto u soo bixista champions League (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay kooxda Bologna kaas oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Aaron Hickey (Mirror).



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.