Sports

Man United Oo Arsenal Ku Garaacaysa Saxiixa Gabriel Jesus. – Kooxda.com


Taageerayaasha Arsenal ayaa si wanaagsan uga falceliyay wararka sheegaya inay ku dhow yihiin inay Gabriel Jesus ka soo qaataan Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaadayso dalabka ay Arsenal u soo bandhigtay xiddiga reer Brazil si ay Gunners ugu garaacdo saxiixa xiddiga.

Warkan ayaa imanaya kadib markii uu tababaraha cusub ee kooxda Man United ee Erik ten Hag uu si shaqsi ah maamulka Red Devils uga dalbaday in uu doonayo weeraryahanka Man City ee Gabriel Jesus.

Wararka ka imanaya Brazil ayaa sheegaya in ay Arsenal wadahadalo horumar leh kula jirto si ay u hesho saxiixa xiddiga Gabriel Jesus suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Man United ayaa la sheegayaa in ay isku diyaarinayso in ay Arsenal ka afduubato saxiixa xiddiga si uu u noqdo saxiixa ugu horeeya ee Tababare Erik Ten Hag.



Source hyperlink

Leave a Reply

Your email address will not be published.