Sports

Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Salah & Van Dijk Kadib Final-kii FA Cup-ka. – Kooxda.com


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Mohamed Salah kuwaas oo badal looga saaray kulankii Final-ka FA Cup-ka.

Mohamed Salah ayaa kaliya 33 daqiiqo ciyaaray Final-kii FA Cup-ka iyada oo lagu badalay Diogo Jota kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Dhanka kale Virgil Van Dijk ayaa la badalay daqiiqadii 90-aad iyada oo lagu badalay Joel Matip kadib markii uu dhamaystay wakhtigii dabiiciga ahaa ee ciyaarta.

Kadib Ciyaarta ayuu Klopp ka warbixiyay xaalada xiddigaha Salah iyo Van Dijk oo muhiim u ah kooxda Liverpool kuwaas oo ciyaari doona final-ka Champions league.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Virgl waa fiicanyahay, waxan u malaynayaa in uu daal yar dareemay dhinaca muruqa”, laakiin waa fiicanyahay”.

“Salah ayaa ka yara xun Van Dijk, waxa uu dareemay xanuun yar laakiin waa fiicanyahay, waxa aan eegi doonaa waxa ka soo kordha”ayuu sii raaciyay.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.