Sports

Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Joe Gomes – Kooxda.com


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku rajo wayn in dhaawaca cagta ee Joe Gomez aanu ahayn mid halis ah kadib markii lagu qasbay in laga saaro waqtigii nasashada kulankii ay Reds 2-1 uga badisay Southampton.

Gomez ayaa ku bilowday sahxda Liverpool oo uu Klopp 9 badal ku sameeyay waxana la badalay qaybtii nasashada kadib markii uu dhaawac soo gaadhay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta.

Xiddiga 24 jirka ah ayaan ku soo laaban qaybta dambe iyada oo lagu badalay kabtanka kooxda ee Jordan Henderson.

Gomez ayaa la arkay isaga oo xidhan qalab uu lugta ku ilaalinayo markii uu raacayay baska kooxda laakiin Klopp ayaa sheegay in uu xiddigu ku jiro xaalad fiican.

“Waxan rajaynayaa in aan siib leenahay, Joe waxa uu dareemay xanuun daran”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa uu xanuunka dareemay lugta laakiin markii uu qolka Labiska fadhiyay waxa uu ku jiray dareen wacan”.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.