Sports

Kadib Kulan Waali Ahaa, Man City Oo Garaacday Real Madrid Kulan Ka Tirsanaa Champions League – Kooxda.com


Kooxda Man City ayaa ayaa garaacday kooxda Real Madrid kulan xiiso iyo xamaasad lahaa oo ka dhacay garoonka Etihad Staduim kana tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League.

Kulanka ayaa haa mid ah Man City si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah oo ay ku dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 1-aadba Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne oo dhaliyay goolkii ugu dhakhsaha badanaa taariikhda champions League.

Kooxda Real Madrid oo uu ka muuqday khal-khal iyo dhibaato dhanka difaaca ah ayaa isku dayday in ay ka soo laabato dhirbaaxada deg-deg ah ee ay kala kulantay Man City.

Laakiin Man City ayaa mar kale dhirbaaxo ugu celisay Real Madrid iyaga oo daqiiqadii 11-aad ka dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu ka dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Real Madrid ayaa hordada ka kacday iyaga oo raadinayay in ay iska soo badaan goolasha laga dhaliyay inta uuna wakhtigu ka dhicin.

Daqiiqadii 33-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxan u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu dib ugu soo laabatay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Man City ahayd kooxda fiican una qalanty in ay hogaamiso ciyaarta.

Man City ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si fiican iyaga oo mar kale doonaya in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ku dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 53-aad ayay Man metropolis dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/1.

Laakiin daqiiqadii 55-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Vinícius jr kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 3/2.

Man City ayaa si waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale waxana uu nasiibku ka hor istaagay in ay dhaliso goolal badan oo muhiim ah hadii ay noqoto fursado ay iska khasaariyeen ama kuwo birta ku dhacay.

Daqiiqadii 74-aad ayay Man City mar kale hogaanka sii dheeraystay kulanka waxana gool u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin daqiiqii 82-aad ayay Real Madrid mar kale dhalisay goolka ay ku soo yaryasay goolasha waxana mar kale u dhaliyay goolka xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ku dhamaatay 4/2 kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxoodba muujiyeen awoodooda ay ugu qalmaan in ay gaadhan Final-ka tartanka champions League.



Source hyperlink

Leave a Reply

Your email address will not be published.