Sports

Jabuuti Iyo Sagaalka Dal Ee Kale Ee Ugu Kulul Dunida Sanadkan 2022 – Borama News Network


Talaadadii, 10-kii May, Ururka Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada ayaa ka digay in dhulku ay saameyn ballaaran ku yeelan doonaan wixii laga dhaxlay cimilada adduunka ee sii kululaaneysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Saynisyahannada ayaa ka digay haddii ay kululaanshiyaha hawada ay ka sare marta 100 digrii Fahrenheit [1.5 ° C] xilli sanadka ka mid ah, ay taasi sababi karto in heerka biyaha badda ay kor u kacaan iyo fatahaado.

Ururka ayaa sheegay in carqaladeynta heshiiska cimilada ee Paris ay horseedi karto dhibaato muddo dheer jirta oo ka dhalata kululaanshaha cimilada.

Bishii April, dalalka sida Nigeria iyo kuwa deriska la ah ayaa la daalaa dhacayay kuleyl daran, iyadoo dadka qaar ee Nigeria ku nool ay dareemayeen inuusan jirin dal ka kulul dalkooda.
Maqaalkan, waxaan idinkugu soo gudbineynaa qiimeyn ay sameysay Laanta Afka Hausa ee BBC-da oo baaritaan ku sameysay dalalka ugu kulul adduunka, iyadoo lagu saleeyay xogta laga helay Qiimeynta Bulshada ee Mareykanka.

Dalalkan Nigeria xitaa kama soo gelin liiska tobanka dal ee ugu cimilo kulul caalamka.

Ma dalkan ayaa ugu cimilo kulul adduunkaa?
10-ka dal ee ugu cimilo kululaa adduunka laga soo bilaabo intii u dhaxeysay 1991-2020 (iyadoo la eegayo celcelis ahaan heerka cimilada)

Mali – cimiladu waxay gaartaa 28.83 ° C / 83.89 ° F Celsius
Burkina Faso – Cimiladu waxay gaartaa 28.71 ° C / 83.68 ° C
Senegal – Cimiladu waxay gaartaa 28.65 ° C / 83.57 ° F Celsius
Tuvalu – Cimiladu waxay gaartaa 28.45 ° C / 83.21 ° F Celsius
Djibouti – Cimiladu waxay gaartaa 28.38 ° C / 83.08 ° F Celsius
Mauritania – Cimiladu waxay gaartaa 28.34 ° C / 83.01 ° F Celsius
Bahrain – 28.23 ° C / 82.81 ° F Celsius
Palau – Cimiladu waxay gaartaa 28.04 ° C / 82.47 ° F Celsius
Qatar – Cimiladu waxay gaartaa 28.02 ° C / 82.44 ° F Celsius
Gambia – Cimiladu waxay gaartaa 27.97 ° C / 82.35 ° F Celsius
Mali waa dalka ugu cimilo kulul adduunka, iyadoo cimilada ay sanadkii gaarto 83.89 ° F (28.83 ° C) Celsius.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa wuxuu xad la leeyahay Burkina Faso iyo Senegal, kuwaas oo labaduba ku jira liiskan.

Inta badan Mali waxaa ku hareereysan Saxaraha, dhulkeeda intiisa badanna waa qalleyl, iyadoo abaarona ay u dheer yihiin.

Sidee ayaad ku dareemeysaa meesha ugu kulul adduunka?
Markiiugu horreysay cimilada 28.83 ° C / 83.89 ° F ayaa si fudud sare ugu kici karta.

Balse tan micnaheedu maaha in cimiladu ay gebi ahaanba tahay wax aan la saadaalin karin xilliyada xagaaga, balse waa in cimiladu ay si aad ah uga sii dari doonto.

Tan micnaheedu waa in cimiladu ay isbeddeli karto maalin iyo habeen, gaar ahaanna bilaha qaboobaha.

Tusaale ahaan, cimilada ayaa maalintii gaartay 97 ° F magaalada Timbuktu ee Mali, kaddibna waxay gaartay 108 ° F laga soo bilaabo March ilaa bartamaha October, mararka qaar xitaa January ayaa noqota bisha ugu qabow inkastoo ay cimiladeedu tahay 83. ° F.

Balse habeennada ugu qabow waxay cimiladu gaartaa 58-65 ° F, oo ah tan ugu kulul, balse waxay isku beddeshaa 80 (° F).

Maxay dalalka qaar u kala duwan yihiin?
Sababtu waa in dhul-baraha adduunka uu aad isu beddelo, iyadoo iftiinka qorraxduna uu qeyb ka qaato leenka kala bara dunida.

Sidoo kale, iftiinka qorraxda ayaa maraya oo kala jeexaya qeyb walba oo ka mid ah gaar ahaanna deegaannada uu barafku ka jiro.

Dhanka kale, iftiinka ayaa dhex jibaaxa dhulka, taas oo micnaheedu yahay in dalalka agagaarkiisa ah ay aad ugu nugul yihiin isbeddelka cimilada.

Cimilada dalalka ay baduhu maraan ma tan ugu daran baa?
Caddeymo laga helay synisyahannada ayaa farta ku fiiqaya sii kululaanshaha adduunka.

Balse baaritaan dheeraad ah oo ay sameeyeen NASA iyo NOAA ee Mareykanka ayaa lagu ogaaday in intii u dhaxeysay 2014-2020 uu ahaa waqtigii ugu kululaa muddo 171 snao ah.

Daraasadahan ayaa waxaa ka mid ah caddeymo laga sameeyay in bani’aadamku ay aad saameyn ugu yeelanayaan isbeddelka cimilada iyo kululaanshaha adduunka.

Balse su’aasha ayaa waxay tahay, kuleyl noocee ah, iyo sidee ayay dadku uga fogaan karaan?



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.