Sports

Gabriel Jesus Oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Arsenal, Sabab. – Kooxda.com


Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa weeraryahanka lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus u sheegay in uu iska diido Gunners iskana sii joogo kooxda Man City.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Brazil iyada oo la rumaysanyahay in uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Laakiin Paul Merson ayaa Gabriel Jesus u sheegay in uu iska diido Arsenal una sii ciyaaro Man City sabab la xidhiidha in ay Man City sanad walba koobab u tartamayso waliba uu heli doono kulamo badan oo uu ciyaaro.

“Gabriel Jesus waa in uu iska sii joogo Man City, waxa jira warar la xidhiidhinaya Arsenal laakiin waa in uu iska sii joogo sababta oo ah waxa uu haatanba ciyaaray 17 kulan oo premier League ah”.

“Waxan u malaynayaa in uu 36 kulan u ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan Man City waxana uu qabtay shaqo fiican”.

“Xitaa hadii ay City la soo saxiixato Erling Haaland waa in uu sii joogo sababta oo ah Man City sanad walba waxa ay meelo fog ka gaadhaysaa tartamada oo dhan waxana uu heli doonaa kulamo uu ciyaaro”



Source hyperlink

Leave a Reply

Your email address will not be published.