Sports

Carlo Ancelotti Oo Sameeyay Taariikh Aan Horay Loo Arag Kadib Markii Uu Real Ku Hogaamiyay La Liga. – Kooxda.com


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyada oo 4 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022.

Los Blancos ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga kadib markii ay xasuuqday kooxda Espanyol kulan ka dhacay Santiago Bernabue iyaga oo ku guulaystay horyaalka markii 35-aad ee taariikhdooda.

Carlo Ancelotti Ayaa dhankiisa dhigay taariikh aanu horay tababare kale uga dhigin 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub kadib markii uu ku hogaamiyay kooxdiisa horyaalka.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee ku guulaysta horyaalka dalalka Spain, England, Italy, Germany, & France.

Image



Source hyperlink

Leave a Reply

Your email address will not be published.