Sports

Arsenal Oo Balan-qaad U Samaysay William Saliba Si Uu Ugu Soo Laabtay Kooxda. – Kooxda.com


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga William Saliba u sheegeen in uu ka qayb noqon doono kooxda 1-aad xilli ciyaareedka dambe iyada oo waliba kooxdu heshiis cusub u soo bandhigi doonto xiddiga.

Xiddiga da’yarka ah ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Marseille xilli ciyaareedkan isaga oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga da’yarka ah ee ugu fiican horyaalka Ligue isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Arsenal ayaan doonayn in ay mar kale amaah u dirto xiddiga isla markaas ayna iibin doonin xiddiga sida laga soo xigtay L’Equipe isla markaas u sheegay xiddiga 21 jirka ah in uu ka qayb ahaan doono qorshaha Arteta.

Sidoo kale Arsenal ayaa xiddiga Saliba u balan-qaaday in uu door muhiim ah ka ciyaari doono kooxda xilli ciyaareedka dambe kana garab ciyaari doono Ben White iyo Gabriel.

Sidaas darteed xiddiga ayaa Kooxda Arsenal ka helay balan-qaad in uu qayb muhiim ah ka ciyaari doono kooxda Xilli ciyaareedka dambe.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published.